99 Arday Oo Ka Qalin Jabiyay Barashada Higaadda

99 Arday (63 Wiil iyo 36 gabdhood) oo ka qalin jabiyay barashada higaadda, una gudbay inay bartaan Quraanka Kariimka ah ayaa galabnimadii axadda xaflad heer sare ah loogu qabtay barxadda wayn ee Qorraxeey International School. Xafladan oo ay ka soo qeybgaleen Ardaydii qalinjabinaysay, waalidkii, macalimiintii, Maamulkii iyo Marti sharaf kale oo badan ayaa waxay u dhacday si aan innaba caadi ahayn. 

Hadiyado iyo ubaxyo qurqurux badan ayay Waalidku ilmahoodii qalinjabinayay halkaas ku gudoonsiiyeen. Arinta xiisaha badan ayaa waxay ahayd, in ay caruurtii dadiyadaha loo keenay iyo ubaxyadiiba aygudoonsiiyeen macalimiintoodii higgadda farta soo bartay.

Waalidkii, odayaashii dhaqanka iyo culimadii martida ahayd ayaa halkaas ka soo jeediyay erayo ay farxadooda kucabirayaan, aniguse ma garanayo erayo aan farxadaydii galabtaas ku cabbiro. Nin kale oo maamulka iskuulka kujira ayaa wuxuu igu yidhi ” Dhawr jeer ayay illin igu soo istaagtay oon isku celiyay”. Waxaan markhaati ka ahay inay ahayd xafladdii koowaad ee noocan ah ee quraanba loo qabto intii ay magaalada Qabridaharre jirtay. Farxad iyo Dhoolla cadayn dhamaan dadkii Soo xaadiray oo dhan ayay xafladaasi ku dhamaatay.

Ilaahay ayaa mahad dhamaanteed iska leh.

Mohamed Yusuf 
Q/Dahar

99 Arday Oo Ka Qalin Jabiyay Barashada Higaadda Read More »

Scroll to Top